Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi oo wada hadlay la yeeshay dhigiisa dalka Yaman

Published: June 27, 2022

Ra’iisul wasaaraha Yaman Dr Muciin Cabdi Almalik ayaa qadka taleefanka kula soo xariiray Ra’iisul wasaaraha dalka Xamse Barre si uu ugu hambalyeeyo Magacaabistiisa iyo Kalsoonida Golaha Shacabka ee shalay uu helay.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Yaman ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha dalka Munsaabadda Maalmaha xuriyadda ee dalka ee 26ka June iyo 1da Luulyo.

Labada masuul ayaa ka sheekeystay xiriirka labada dal ee mudada dheer ay lahaayeen.

Sidoo kale waxa ay dhiirigaliyeen in horay loo sii wada jaan-qaado dhinacyada kala duwan horumarka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *