Ruushka oo duqeeyey labada magaalo ee ugu waaweyn Ukraine

Published: June 27, 2022

Dawladda Ruushka ayaa weerar cusub oo dhinaca gantaallada ah ku qaadday labada magaalo ee ugu waaweyn dalka Ukraine; waa magaalada Kyiv ee xarunta dalka iyo magaalada kale ee Kharkiv.

Weerarkan ayaa dhacay iyada oo xitaa ay dalalka ku jira ururka G7 ay wadahadal ku lahaayeen Bavarain Alps si ay iskula meel dhigaan sidii ay Ruushka u sii go’doomin lahaayeen.

Duqa magaalada Kyiv, Vitali Klitschko ayaa sheegay in ugu yaraan labo dhisme oo ah kuwa la deggan yahay la duqeeyey, halkaas oo ugu yaraan hal qofi uu ku dhintay, afar kalena ay ku dhaawacantay.

Ruushka ay xoojiyey adeegsigiisa gantaalada cruise-ka, isaga oo beegsanaya ilaa woqooyi-galbeed Ukraine. Qalabka digniinta ayaa ka dhawaaqay dhowr magaalo.

Weerarka Ruushka ee Ukraine ayaa ah arrinta ugu weyn ee shir-madaxeedka dalalka G7 culeyska lagu saarayo. 

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Sabtidii shalay sheegay in shirka uu Isniinta ka qeyb gali doono.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dalkiisa iyo dalalka kale ee G7 xubnaha ka ah ay joojin doonaan inay soo dhoofsadaan dahabka Ruushka.

Waa cunaqabateyn tii u dambeysay ee Ruushka la saaro ka dib dagaalkii uu ku qaaday Urkaine, kaas oo galay bishiisii shanaad.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *