Golaha Wakiillada Puntland oo ansixiyay Wasiiro uu Magacaabay Madaxweyne Deni

Published: June 28, 2022

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,  oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 49 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Puntland sida uu qabo Qodobka 64aad Farqadiisa 16aad ee Dastuurka Puntland iyo Qodobka 3 Farqadiisa 10aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 48 Xildhibaan, Diidmo 1, cid ka aamustayna ma jirin.

Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Wasiiradda, Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dawlayaasha kala ah;

1. Axmed Yaasiin Saalax

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Puntland

2. Axmed Yuusuf Qahar ( Labayk ) 

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Puntland

3. Rashiid Maxamuud Yuusuf 

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland

4. Jamaal Carab Yuusuf 

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Puntland

5. Drs. Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland

6. Dr. Caarshe Maxamed Siciid Aw Muuse

Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland

7. Maxamed Cabdullahi Axmed ( Libaaxe)  

Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Puntland

8. Cabdalle Cali Maxamed ( Xashaawe)

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga Puntland

9. Maxamuud Caydiid Dirir 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Puntland

10. Khadar Faarax Maxamed

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland

11. Xassan Cabdalle Xassan

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Puntland

12. Leylo Cabdi Cartan

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland

13. Aamino Maxamed Cabdullahi 

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland

14. Cali Cumar Carshe

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland

15. Mukhtaar Cabdisalaan Suleymaan

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Puntland

16. Qaasim Maxamed Yuusuf

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha, iyo Gaadiidka Badda Puntland

17. Cabdulqaadir Maxamed Suleymaan

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland

18. Shaakir Maxamed Guuleed

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Puntland

19. Nuur Shiikh Daahir Shiikh Nuur

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Beeraha Puntland

20. Axmed Ibraahim Cawaale

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland

21. Cabdinaasir Aadan Gows

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland

22. Mustafe Cabdifitaax Maxamed 

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland

23. Cabdiqani Maxamed Cabdi Ciise 

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga Puntland

24. Yuusuf Axmed Maxamuud ( Barre Faatax)

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland

25. Maxamuud Ismaaciil Jaamac ( Ciyoon)

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Puntland

26. Cabdullahi Maxamed Ciise ( Qoor-dhuub)

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *