Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Published: June 28, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble, kadib munaasabad balaaran oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada xil wareejinta waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha golaha shacabka oo wakiil ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo xanuunka Covid19 laga helay Jimcihii, Hanti-dhowrka Qaranka, Gudoomiyaha Aqalka sare, Wasiiro iyo saraakiil ciidan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 25kii Bishan ay ansixiyey Ra’iisul wasaaraha oo madaxweynaha dalka uu soo magacaabay 15-kii bishii hore ee May.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu soo dhiso xubnaha golaha Wasiirada cusub si loo dardargaliyo Shaqooyinka muhiimka ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *