Ugu yaraan 46 qof oo muhaajiriin ah meydkooda ayaa laga helay gaari xamuul gudaha gobolka Texas

Published: June 28, 2022

Gaariga ayaa laga helay agagaarka waddo tareenadu maraan oo ku taal San Antonio, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

46 qof ayaa meydkooda la helay 16 kalena waxaa loo qaaday isbitaal kadib markii laga dhex helay gaari nooca xamuulka qaada ah galabnimadii Isniintii shalay meel ku dhaw magaalada San Antonio, sida ay sheegeen saraakiisha Texas.

Arrintan ayaa laga yaabaa inay noqoto masiibadii ugu dhimashada darneyd ee soo marta kumannaan qof oo ku dhintay isku dayay inay ka gudbaan xadka Mareykanka iyo Mexico tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

16 qof oo ka mid ah muhaajiriinta ayaa loo qaaday cusbitaalka xanuunno la xiriira kulaylka, kuwaas oo 12 ka mid ah ay ahaayeen dad waaweyn afarna ay ahaayeen carruur, ayuu yiri madaxa dab-damiska Charles Hood.

Dhacdadan ayaa loo qabtey Saddex qof kuwaas xabsiga la dhigay, laakiin ma cadda inay ku lug lee yihiin ka ganacsiga dadka, ayuu yidhi McManus.

Magaalada waxaa horay ugu dhintay tahriibayaal badan. Toban qof ayaa ku dhintay sanadkii 2017 ka dib markii ay ku dhex go’doomeen gaari xamuul ah oo la soo dhigay dukaanka weyn ee Walmart ee San Antonio. Sannadkii 2003dii, 19 qof oo kale ayaa laga helay baabuur qiiqaya koonfurta-bari ee San Antonio.
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *