C/raxmaan C/shakuur oo Ilhaan Cumar ka codsaday inay qeyb ka qaadato gurmada abaaraha ee dalka

Published: June 29, 2022

Ergeyga madaxweynaha JFS Xassan Sheekh Maxamuud u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo bini’aaadannimada Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa kulan qadka fogaan aragga ah la yeeshay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo aqalka Congresska Mareykanka ku metesha Minnesota.

Ergeyga ayaa Xildhibaan Ilhaan iyo dowladdeeda Mareykanka uga Mahad celiyay garabsiinta ummadda Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen, isaga oo si gaar ah u xusay deeq 55 Malyuun ah oo dowladda Maraykanku deeqda Soomaaliya ugu kordhiyeen dhibaatada abaarta darteed, taas oo si gooni ah ay dedaal dheeri ah ugu bixisay Xildhibaan Ilhaan.

Intaas kadib waxa uu ergeygu ka dalbaday Xildhibaan Ilhaan in ay labanlaabto gacansiinta dadkeeda Soomaaliyeed, iyada oo codsigiisa ka warcelineysana waxa ay Xildhibaan Ilhaan ballan qaadday in ay gacan ka geysato ka dhex ololeynta gudaha dowladda Mareykanka iyo sidoo kale dowladaha kale ee gacanta ka geysan kara arrimaha bini’aadannimo ee Soomaaliya. Waxa ay sidoo kale xustay in ay qayb ka qaadan doonto isku duwidda Soomaalida Mareykanka iyada oo Soomaalida ku tilmaantay dad ku wanaagsan iskaalmeynta.  

Ergeyga iyo Xildhibaan Ilhaan oo isku bogaadiyay dedaalka ay ku bixinayaan Gurmadka dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan ayaa ku ballamay wada shaqayn iyo kulamo kale oo ay rajeynayaan in ay dalka iyo debeddaba ka dhacaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *