Dadka qaatey talaalka Covid-19 gudaha Soomaaliya ayaa gaarey 10%.

Published: June 29, 2022

Soomaaliya waxay gaartay boqolkiiba 10 qaadashada talaalka Covid-19, taas oo macnaheedu yahay in waddanku uusan ku jirin tirada waddamada ugu yar ee tallaalka laga fuliyey, sida lagu yiri warbixin ka soo baxdey Gavi.org

Tallaalka Covid-19 ayaa ka bilowdey Soomaaliya bishii Maarso 2021, markii la gaarsiiyey 300,000 oo dhibcood oo tallaalka ah oo ka yimid xarunta COVAX

Soomaaliya waxay biloowday tallaalka Covid-19 bishii Maarso 2021, Talaalka Covid-19 ayaa Soomaaliya ku heshey deeq, waxaana in badan talaalku ku xumaadey meelaha lagu kaydiyo kadib markii dadku u qaadan waayey sida loogu tala galay.

Tirada guud dadka istalaaley ayaa lagu yiyaasaya in ay gaartey 1.4 milyan oo qof

Waxaa weli jirta khatarta Covid-19, iyada oo dhawaan laga helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo uu hadda ka bogsoodey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *