Madaxweynaha Puntland oo guddoomiyey shir looga hadlayey abaaraha

Published: June 29, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir looga hadlay xaaladda Abaaraha oo ay ka qeybgaleen madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Puntland.

Shirka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sidoo kale waxaa ka qeybgalay Guddiga Abaaraha ee heer Wasiir iyo Hay’adaha Dowliga ah ee Puntland.

Kulankan ayaa ujeedkiisu yahay sidii dhakhso looga jawaabi lahaa xaaladda ka dhalatay abaarta saameyn ku yeelatay nolosha dadka badan oo Soomaaliyeed.

Sodoo kale Kulanka waxaa lagu soo bandhigay Warbixin ku saabsan xaaladda Abaaraha iyo saameynta ay geysteen iyo qorsheyaasha arrintaasi lagu wajahayo oo ay ugu horeyso sidii dhakhso loogu gurman lahaa dadka abaartu saameysay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. waagii hore dadka reer bari abaar ma’aqooon sabatu kaluunka ayaa xaniid laga dhigan jiray timirtan waxay soo go’ijirtay xagaaga marka qaarkood shan sano roob madi’ijir mana ladareemi jiri dadkuna wuxu aha lubaxxyo shaqeeysta aabaow aakhiro shabaag mala dhiga iminka jaad iyo mandoriye u dhaqaaqdeen wale hadaan sidii hore loo noqon waad haligmeeysaan