Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta ka shaqo billaabay Xafiiskiisa

Published: June 29, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah Xafiiskiisa ugu shaqo billaabay, kaddib markii uu shakey xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii 20aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble 28ka June 2022.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku howlan xulashada xubnaha Golihiisa Wasiirada kamid noqonaya ayaa tagay Xafiiskiisa si uu u billaabo howlaha sugaya iyo kulamada maalinlaha ah uu la qaadanayo Wasiirada xilgaarsiinta ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 15kii June 2022 xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo codka kalsoonida ka helay Golaha Shacabka BFS 25kii June 2022.

Xamse Cabdi Barre ayaa ballanqaaday in uu soo dhisayo Xukuumad ka shaqeysa wax ka qabashada dhibaatooyinka dalka ka jira sida Abaarta, Amniga, Dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo xaaladaha kale ee taagan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *