Sweden iyo Finland oo NATO lagu soo dhaweeyey, kadib markii Turkigu caqabadii ka qaadey

Published: June 29, 2022

Turkiga ayaa meesha ka saaray mowqifkiisii uu dalalkaasi ugu diidanaa in ay ku biiraan Gaashaanbuurta NATO, si ay uga jawaabaan duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Turkiga ayaa horey uga horyimid codsigii labadaasi dal ee ku biiritaanka NATO, ka dib waxa uu ku sheegay taageerada dalalkaasi ay siiyaan Xoogaga Kurdiyiinta iyo cunaqabateynta hubka ee saaran Ankara.

Duulaanka Moscow ee Kiev ayaa khasab kaga dhigtay Helsinki iyo Stockholm inay bedelaan fekerkoodii siyaasadeed ee dalalkan ku yaala Waqooyiga Yurub ka qabeen inay ku biiraan xulafada NATO.

Turkiga ayaa sheegay in haatan uu taageerayo rabitaanka labadaasi dal, ee ah inay ka mid noqdaan isbahaysiga NATO, ka dib heshiis ay xalay Magaalada Madrid ku saxiixeen saddexda wasiir arrimo dibadeed ee dalalkaasi.

Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Sweden ay aqbashay inay Turkiga kala shaqeyso dalabaadkiisa ku aaddan dagaal-yahanada mayalka adag ee Kurdiyiinta.

Sidoo kale Finland iyo Sweden ayaa meesha ka saaray tallaabadii ay horey Turkiga ugu diidanaayeen inay hubka kaga iibiyaan.

Xubinimadooda NATO ayaa u baahneyd inay ogolaansho kaga haystaan dhammaanba soddonka dalka ee xubnaha ka ah xulafada. Turkiga ayaana ahaa dalkii keliya ee ka horgudbanaa.

Labadan dal ayaa muddo dheer ku dhaqmi jiray siyaasadoodii muddada fog soo jirtay, ee ay kaga dhowrsan jireen ficilada ka careyan tykara Moscow, balse waxa ay wax kasta is bedeleen ka dib duulaankii Moscow ee Ukraine.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *