Villa Somalia oo shaacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka bogsaday xanuunka COVID-19

Published: June 29, 2022

Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud oo maray baaritaan la xiriira xanuunka COVID-19 ayaa laga waayay, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada, Cabdikariin Cali Kaar.

“Ummadda Soomaaliyeed iyo inta xogta Madaxweynaha raadineysayba waxaan la wadaagaynaa in laga waayay xanuunka.” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada.

Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu sida ugu dhakhsaha badan u soo shaqo geli doono, uuna la hadli doono shacabka, iyadoo weli la raacayo buu yiri tilmaamihii caafimaadka.

“Sida ugu dhakhsaha badan baanu dadka ula hadli doonnaa, una soo shaqo geli doonnaa, iyadoo weli la raacayo tilmaamihii caafimaadka.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii laga helay xanuunka, ka dib baaritaan caafimaadeed oo uu maray, waana wax yar uun ka dib, markii uu ka soo laabtay dalka Emirate-ka Carabta oo safar uu ugu maqnaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *