Bankiga Dhexe ee DFS oo shati siiyey bankiyo laga leeyahay Masar & Turkiga

Published: July 3, 2022

Bankiga Dhexe ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay warqadda ogolaanshiyaha siiyey laba banki oo caalami ah oo laga leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga.

Maamulka Bankiga Dhexe ayaa sheegay in labada Banki ee Banque Misr iyo Ziraat Katilim ay mareen hanaan qoto dheer oo socday bilo oo lagu eegayey codsigooda.

“Guddiga Bankiga Dhexe wuxuu go’aamiyey in labada Banki ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee shityada, waxanaa la ansixiyey codsiyadooda” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay Labada Banki ay hadda laamo ka furan karaan kana howlgali karaan Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *