Lacagta Khidmadda Dekadda Bosaso ee shirkada P&O xagee ku danbeysey ? Follow the Money!

Published: July 3, 2022

Iyada oo weli si habsami leh u socdo kalfadghigii golaha wakiilkada Puntland ay kula xisaabtamayee Xukuumadda ayaa maantaoo Axad ah waxaa su’aalo muhim ah la weydiiyey wasiirka Dekada iyo gadiidka badda Axmed Yaasiin Saalax.

Mid kamid ah su’aalaha ugu muhimsan waxaa weydiiyey Xildhibaan Faysal, waana su’aasha dad badan is weydiinayaan ee la xiriirta lacagtii khidmadda ee ay qaadan jirtey shirkaddii P&O, taas oo gaareysey boqolaal kun bil kasta, kadib markii Wareego ka soo baxdey Madaxweynaha Puntland, lagu faafiyey barta Facebook ee Madaxtooyadsa si cad loo amrey in lacagtaas lagu shubo laba koonto oo aan la qarin bangiyada ay ka furan yihiin kuwaas oo kala ah:

Su’aasha Xildhibaanka ayaa ahayd yaa gacanta ku haya Akoonadaas, dhaqaalihii lagu shubeyna xagee ku danbeeyey.

Wasiirka Dekada iyo gadiidka Badda Axmed Yaasiin Saalax oo si julmo ah uga jawaabaya su’aalaha Xildhibaanada ayaa jawaabta su’aashaas ka tegey, laakiin markii dib loogu celiyey lagana codsadey in uu ka jawaabo ayuu yiri.

“…Maadaama shirkaddii P&O ay ku fashilantey heshiiskii lala galay, muadii ay P&O ay shaqada ka maamuleysey DUbai ayaa Dowalddu la soo wareegtey maamulidii dekadda iyo lacagaha khidmadda ah, kadib markii dib loola heshiiyey DPWorld ayaa dib loogu wareejiyey….”

Axmed Yaasiin

Waxaa jira shaki weyn oo shacabka Puntland qabaan kaas oo muddo soo socdey shakiga ayaa ah in lacagtaas loo isticmaaley ololihii doorashada ee Madaxweyne Deni Musharaxa u ahaa Dowaldda Federaalka, lacagtaas maaha mid ku jirtey Miisaaiyadda dowaldda, waxaana heshiisku ahaa in P&O Ports qaadato, ilaa Puntland la wareegtey. Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland dabagal maku sameyn karaan lacagtaas ku dhacaysey labada akoon muddo 19 bilood ah taas oo gaari karta lacag ka badan $6 Milyan oo dollar, haddii sida Wasiirka Dekaduhu sheegayo lacagtaas dib loogu wareejiyey DPWorld, waxaa muhim ah in la caddeeyo, sidoo kale maka codsan karaan Xildhibaanadu in Hanti-dhawraha guud ee Puntland xiro akoonadaas ilaa ay baarayaan halka lacagtaasi ku dabesyey.

Su’aasha kale ee ka dhalan karta jawaabta Wasiirka Dekadaha ayaa ah, yaa hadda u qaada DP World khidbadda uu sheegay?, maadaama uu yiri iyaga ayaa lagu wareejiyey, maadaama DPWorld aysan joogin dekada Bosaso.

Follow the money.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *