Madaxweyne Deni ma fulin doonaa ballan-qaadkiisi…..? -VIDEO

Published: July 3, 2022
Shares2

Markasta oo doorasho dalku gelaayo waxaa isu soo taaga musharixiin badan kuwaas oo shacabka u soo bandhiga barnaamijyo qurxoon oo ay ku beer-laxawsanayaan, qaarkood ayaa isku daya si ay kursiga u gaaraan in ay sameeyaan ballanqaadyo waaweyn oo aan waxba ka hirgelin.

Madaxweynaha Puntland ka hor 9 maalmood doorashadiisi sanadkii 2019, waxa uu jaamacadda Puntland ee Garowe ku soo bandhigey barnaamij aad u qurux badan oo u qaybsanaa Yoolal, kala duwan, Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in barnaamijkan ay doonayaan in ay dadka baraan in ay la xisaabtamaan.

Waxaan kale oo jeclayastey in shanta sano ee soo socda dadkeenu bartaan isla xisaabtanka, dadkeenu ay bartaan in madaxdooda wax ay kula xisaabtamaan haystaan, maadaama qorshahan uu buug qoran yahay waxaan rajeyn in la igula xisaabtamo oo uu yahay markhaanti ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Haddaba saddex sano kadib, mid kamid ah ballan qaadyadii u weynaa Siciid Deni ku dhawaaqay oo shacabka Puntland baahi u qabeen maxaa ka hir-galay?

Duulimaadayada diyaaradaha dadka ugu badan ee raaca waxay Puntland uga baxaan arrimo caafimaad, isbitaalada waaweyn ee Muqdisho sida Digfeer, Shaafi, Kalkaal iyo qaar kale waxaa aad u booqda bukaanka reer Puntland, halkaas keliya maaha meelaha ay u safraan waxa kamid ah magaalada Hargeysa oo ay caafimaad u doontaan, dalka dibadiisa ayaa si weyn loogu baxaa gaar ahaan dalalka Hindiya iyo Itoobiya.

Mar uu Siciid Deni arrintaas ka hadlaayey ka hor doorashadiisi, dadka Muqdisho u aadaya arrimaha caafimaadka sida ka muuqata Video-ga hoose waxa uu yiri “Puntland ceeb ayey ku tahay in ay Muqdisho caafimaad u aado oo aysan lahayn hal isbitaal oo weyn, oo looga maarmo kuwa dalka gudihiisa loo aado

Madaxweynaha ayaa ballan qaadey isla barnaamijkiisi in uu hirgelin gelindoono Isbitaal weyn oo ah nooca takhasuska oo caasimadda Puntland ee Garowe laga hirgeliyo.

Marka laga yimaado dadka shacabka ah ee caafimaadka Muqdisho ugu safraya, waxaa dhaawacyada askarta Puntland loo qaadaa Muqdisho taas oo ceeb ku ah Dowladda Puntland.

Puntland waxaa doorashadii Madaxweyaha Federaalka ee lagu guul-daraystey uga baxay dhaqaale lagu qiyaasayo $30-40 Milyan dollarka Maraykanka ah, haddaba 10% oo dhaqaalahaas ka mid ah waxay Puntland u dhisi lahayd isbitaal weyn oo ku filan dalka, taas oo aan loo baahaneyn in xitaa dhaawacyada Askarta Puntland, Muqdisho loo qaado.

Madaxweynaha waxaa u harsan 17 Bilood, waxaana uu haystaa wakhti uu ku sixi karo wixii ka khaldamey dalkana dhaxal uga tegi karo.

Horseed Media – Editorial

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *