Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisi labaad ee dibadda ugu baxay dalka Turkiga

Published: July 3, 2022

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah ay u ambabaxaan dalka Turkiga. 

Safarka Madaxweynaha wafdigiisa ayaa la filayaa inay la kulmaan Madaxda Sare ee dowladda Turkiga, iyaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Turkiga ay qaadan doonto muddo Saddex Cisho ah.

Waa safarkii labaad ee dalka dibaddiisa uu ku aadayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May, waxaana uu safarkii ugu horreeyay ku tegay waddanka isugutaga Imaaraadka Carabta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *