Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya oo ka hadlay aqoonsiga Somaliland

Published: July 3, 2022
Larry André
Larry Andre , Safriika Maraykanka ee Soomaaliya u fadhiya

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka oo loogu dabbaaldeggayey xuska xorriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Mareykanku uu hal siyaasad ka haysto Soomaaliya, uuna aqoonsan yahay xuduudka la sameeyay xilligii xorriyadda.

“Siyaasaddeenu waa mid la mid ah 62-kii sannadood ee u dambeeyay, oo ah Soomaaliya taariikhi ah, xuduudaheeda taariikhiga ah, tan iyo markii ay isku biireen waxii loo aqoon jiray British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay hal dal wada dhisteen,” ayuu yiri safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

Danjire Andre waxa uu sheegay in aqoonsiga wada-hadallada maqaamka madax-bannaanida ay tahay inay si gaar ah u go’aamiyaan Soomaaliya iyo Somaliland.

Wuxuu intaas ku daray in Mareykanka uu wax ka bedeli doono siyaasaddiisa Soomaaliya oo hal ah haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan in xaalad isbedel ah la sameeyo.

Hadalka Safiirka Maraykanka ayaa yimid, xilli Somaliland ay dowladda Maraykanka u gudbisay in loo ixtiraamo gooni isku taaggooda ay ku doonayaan in kaga go’aan Soomaali inteeda kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *