Ciidamada Booliska Soomaaliya oo howlgal ka sameeyey suuqa Bakaaraha

Published: July 4, 2022

Ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa howlgallo ka sameeyey suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan uu horkacayey Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid loogu kuur galaayey ammaanka suuqa bakaaraha, kadib markii Boolisku heleen xog amni.

Taliye Farxaan ayaa la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada ku dhaqan Bakaaraha, wuxuuna wax ka weydiiyey xaaladda ammaan ee suuqaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa intii uu socday howlgalka isku fidiyey xaafado dhowr ah, sida warshaddii hore ee Caanaha, warshada Taraqa iyo Sigaarka iyo xaafadda Daaru-Salaam.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka waday caasimada, si looga hortego falal amni darrada ee mararka qaar ka dhaca dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *