Ciidamada DFS oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka billaabay G. Hiiraan

Published: July 4, 2022

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 5aad ee qaybta 27aad oo kaashanaya kuwa Daraawiishta ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka billaabay deegaanno hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiil katirsan Ciidanka howlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay sidii ay xoojin lahaayeen nabadgalyada waddooyinka muhiimka u ah Degmada Matabaan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay kordhinta howlgallada ka socda Gobolkaas si la isugu furo waddooyinka muhiimka ah go’doonka u galay Al-Shabaab.

Cali Jeyte waxa uu saraakiisha Ciidamada howlgalka wada ka codsaday in ay saldhigyo ka dhigtaan deegaannada ay joogaan Al-Shabaab marka ay gacantooda soo galaan si la isugu xiro Magaalooyinka muhiimka ah.

Degmooyinka Gobolka Hiiraan waxaa go’doon geliyay Al-Shabaab, Magaalooyinka qaar waxa ay sameysteen Garoomo Diyaarado si safarka Dadka uu u noqdo Diyaaradaha maadaama go’doonka jidadka uu saameyn taban ku reebay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *