Madaxweyne Deni oo Lagu Eedeeyey In uu Garan Waayey Awooddiisa Diidmada Qayaxan VETO!

Published: July 4, 2022
Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweyne Siciid Deni oo mar kale dib u magacaabey isla kuwii xasaanadda waayey

Maanta waxaa Garoowe ka dhacdey daraama siyaasadeed oo la yaableh, taas oo la xiriirta ansixinta Golaha adeega garsoorka ee maxkamadda sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa si rasmi ah uga horyimid go’aankii Xildhibaanada Golaha wakiilada, waxaana qaar kamid ah Xildhibaanadu ku eedeeyeen in uu baal marey dastuurka isla markaana ku dhacay bohol, kadib markii uu ka ilduufey marinka toolmoon ee shaqadiisa uu u mari lahaa.

Golaha Wakiilada waxaa horyimid, Sagaalka garsoore ee Maxkamdda sare, ee Madaxweynaha Puntland magacaabey 31Maarso 2022, waxaana ay jeediyeen khudbado kadib waxay Golaha wakiilada weydiisteen in kalsoonida la siiyo.

Waxaa golaha fadhiyey 43 Xildhibaan.

Golaha Adeega Garsoorka ee maxkamadda sare ayaa waayey kalsoonida Xildhibaanada kadib markii cod loo qaadey, waxaana Xildhibaanadu ka dalabadeen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu dib u soo magacaabo Golaha Maxkamadda sare.

Madaxweynaha Puntland oo safar aan la shaacin oo qarsoodi ah ugu baxay dalka Imaaraadka carabta ayaa wareegtadii uu ku magacaabey isla golahan 31 bishii Maarso 2022 dib u soo cuboneysiiyey, keliya taariikhda iyo lanbarka xeerka ayaa laga beddeley, waxaana uu dib u magacaabey 5 kii garsoore iyo afartii keydka ahayd ee xasaanadda waayey, wareegtada Madaxweynaha ma gaarin golaha Wakiilada, waxaana ay ahayd mid Madaxweynuhu ka tegey markii uu garoonka ka duuley taas oo lagu faafiyey facebook.

Haddaba Horseed Media oo xiriir la samaysey qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa u sheegay in Madaxweynuhu ilduufey oo khalad weyn ku dhacay oo ay ahayd in uu VETO ku sameeyo go’aanka Golaha Wakiilada, dibna u soo celiyo xeerka ka soo baxay golaha Wakiilada ee lagu diidey kuwii uu soo magacaabey, ee ma ahayn in uu magacaabid cusub sameeyo isaga oo aan jebin go’aankii Baarlamaanka, waxay ku nuux-nuuxsadeen intani ay tahay shaqo aqoon la’aan haysata Madaxweynaha ayna jawaab ka bixinayaan.

Horseed Media
Garowe Desk

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *