Denmark: Booliska ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay toogasho ka dhacday xarun ganacsi

Published: July 4, 2022
Toogasho ka dhacdey Copenhagen
Boolisku waxay u qabteen falkan 22 sano jir u dhashwey Denmark

Booliska Denmark ayaa sheegay in ilaa saddex qof lagu diley toogasho ka dhacday goob suuq ah ku oo ku taal caasimadda Denmark ee Copenhagen. Ciidamada ayaa xabsiga dhigay hal qof oo looga shakisan yahay in uu ku lug lahaa falkan.

Suuqa toogashadu ka dhacdey ayaa la yiraahdaa Fields shopping center, waxay ku taal meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada, rasaasta ayaa bilaamatey abaare 5:30 galabnimo. waqtiga maxaliga ah .

Maxaan ilaa hadda ognahay?

Taliyaha booliska Soren Thomassen oo shir jaraa’id qabtay fiidnimadii Axadda ayaa sheegay in saddex qof ay dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen. Balse wuxuu sheegay inay goor hore tahay in la shaaciyo tirada saxda ah.

Thomassen ayaa intaa ku daray in toogashadaasi loo xiray 22 jir u dhashay dalka Denmark. Waxa uu ku tilmaamay in uu yahay “Danish”.

Wuxuu sheegay in booliisku aysan hadda rumaysnayn in cid kale ku lug leedahay.

Taliyaha booliska ayaa intaa ku daray in ninka loo qabtey uu ahaa qof madaxa looga jiro oo laamaha caafimaadku xaaladiisa la socdeen.

Thomassen ayaa sidoo kale sheegay in toogashadu ay ka dhacday dhowr goobood oo ku dhexyaal suuqa.

Wariye ka tirsan DR oo soo xigtay Isbitaal maxalli ah ayaa sheegay inay daweynayaan saddex qof oo ku dhaawacmey toogashadii ka dhacday Copenhagen

Warbaahinta kale ee maxaliga ah ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya ciidamo aad u hubeysan oo goobta ku sugan, iyo sidoo kale dad ka baxsanaya xarunta ganacsiga.

Booliisku waxay sheegeen inay dad badan ku hareen dhismaha fiidnimadii Axadda ayna ka shaqaynayaan sidii ay u sugi lahaayeen amniga aagga.

KHalid Yussuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *