Ergayga arimaha abaraaha oo booqday kaamamka barakacayaasha ee Baardheere

Published: July 4, 2022

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS U qaabilsan arimaha gurmadka oo ay wehliyaan Qaar kamid ah gudiga gurmadka abaaraha iyo hay’ada qadar charity ayaa gaaray degmada Baardheere ee gobolka gedo si ay ugu kuur galaan xaalada nololeed ee ka jirta barakacayaasha ku nool kaamamka degmadaan

Ergayga iyo wafdigiisa ayaa Waxaa soo dhaweeyay maamulka degmada baardheere iyagoona booqday qaar kamid ah kaamamka degmada

Dadka ku soo barakacay deegaankaan ayaa intooda ugu badan ka soo hayaamay deeganaada kale ee deriska la ah diinsoor.

Ku dhawaad 800,000 oo qof ayaa tan iyo billowgii sanadkii aynu soo dhaafnay ka barakacay guryahoodii, abaarta ka jirta Soomaaliya awgeed, sida ay sheegayaan hay’adaha gargaarka, iyadoo tirada dadkana laga cabsi qabo inay kororto. Taas oo ka dhigan abaartii ugu darnayd ee soo marta Soomaaliya 40-kii sano ee ugu dambeeyey.

Ergayga oo shalay dalka dib ugu soo laabtay shirka Jaamacada Carabta, ayaa
wasiirada arrimaha debeda carabta ka codsaday gurmad degdeg ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *