Muran ka taagan sharciyadda Maxjarada xoolaha ee Bosaso

Published: July 6, 2022
Maxjarka Bosaso
Maxjarka Bosaso 2009

Fadhigii Golaha Wakiilada ee Puntland ee maanta oo Arbaca ah ayaa lagula xisaabtamey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo weliba Maxjarada Puntland ee xoolaha dhoofaya loogu talagalay.

Fadhiga waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha guud ee Maxjarada xoolaha Cabdirisaaq Maxamed Xasan waxaana su’aalo ku saabsan maxjarada lagu weydiiyey Xildhibaanada hortooda.

Su’aalaha ugu badan ayaa ahaa sharciyadda maxjarada, cidda iska leh iyo horumar la’aantooda.

Agaasimaha Maxjarada ayaa sheegay in Maxjarada ay wada lee yihiin, Dowladda Puntland, Ganacsato Soomaaliyeed iyo Ganacsato shisheeye. Xildhibaanada ayaa ka dalabdey sharciyadda uu haysto maxjaradu, sida loo kala lee yahay, cidda ay yihiin kuwa leh iyo su’aalo kale laakiin jawaab sax ah kama bixin.

Dhanka kale waxaa la weydiiyey dhaqaalaha ka soo baxa Maxjarada in aysan ku jirin Miisaaniyadda Puntland, taas oo ah mid aan sinaba loo aqbali karin.

Maxjarada u waaweyn ee Puntland ayaa la saasey sanadkii 2008, waxaana wax ku lahaa ganacsato carbeed, laakiin wax horumar weyn ah Maxjaradu ma sameyn.

SAWIRO XILIGII LA ASAASEY MAXJARADA.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *