Dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka socdo gobolka Gedo

Published: July 8, 2022

Dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa haatan ka socdo duleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ka qarxay deegaanka Shaatolow oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Luuq iyo Duulow ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay xubno ka tirsan Al -Shabaab  weerar ku qaadeen ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ka waday halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa gobolka Gedo oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *