30 qof oo u afduubnaa Alshabaab oo laga soo badbaadiyey.

19 November, 2025

Ciidamada Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Buula Madiina ee…

Ciidamada Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Buula Madiina ee Afgooye hoosteeda, halkaas oo ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalka ayaa ka dhacay habeenkii, sida ay sheegeen saraakiisha militari.


Intii uu socday hawlgalku, ciidamada ayaa soo badbaadiyay 30 qof oo afduub ugu haystay kooxda, kuwaas oo labo kamid ahi ahaayeen dumar. Sidoo kale, waxaa la burburiyay xabsi iyo maxkamad ay kooxdaasi u adeegsan jireen ku cadaadinta shacabka.


Howlgalkan ayaa qayb ka ah ololaha guud ee ay ciidamada dowladda ka wadaan deegaanada Shabeellaha Hoose, si loo yareeyo dhaq-dhaqaaqa kooxaha hubeysan ee halkaas ku sugan. Saraakiishu waxay sheegeen in tallaabadu ay ka tarjumeyso dadaal joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga.


Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in ciidamadu weli ku jiraan howlgallo baaritaan ah oo ka socda nawaaxiga Buula Madiina, iyagoo raadinaya xubno kale oo ka tirsan kooxda. Dowladda ayaa sheegtay in howlgaladan ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo xasillooni buuxda.