40 Sano Kadib Soomaaliya iyo Shiinaha oo Wada Jir Uga Hadlay Amniga.

19 September, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Beijing kulan doceed kula yeeshay…

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Beijing kulan doceed kula yeeshay Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Shiinaha Admiral Dong Jun xilli uu ka qaybgalayay Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Xiangshan. Kulankani wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee heer wasiir dhex mara labada dal muddo ku dhow 40 sano taasoo calaamad u ah bog cusub oo ku saabsan xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasiir Fiqi ayaa kulanka ku sharaxay horumarka amni iyo difaac ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay isaga oo xusay in ciidamada xoogga dalka ay xoreeyeen dhul ballaaran oo hore ugu jiray gacanta kooxaha argagixisada islamarkaana lagu guuleystay xasillinta deegaano muhiim ah. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay sida ay dowladda Soomaaliya u go’an tahay dhismaha ciidan qaran oo awood u leh difaaca dalka.

Dhankiisa Wasiirka Difaaca Shiinaha Admiral Dong Jun ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha difaaca isaga oo ku tilmaamay dadaallada socda “tallaabo rajo iyo xasillooni horseedaysa.” Waxa uu ballanqaaday in Shiinuhu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto xoojinta iskaashiga labada dal.

Labada wasiir ayaa isla qaatay in si dhow loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca iyadoo diiradda la saarayo xasilloonida gobolka, la dagaallanka argagixisada, taageerada howlgalka AUSSOM iyo tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Arrimahan ayaa lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah nabadda iyo amniga waara ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Kulanka Beijing ayaa loo arkaa mid dib u soo celinaya xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha kaas oo muddo dheer hakad ku jiray. Dib-u-soo nooleynta xiriirkan ayaa ka tarjumaysa rabitaanka labada dal ee ku aaddan iskaashi waara oo ku dhisan walaaltinimo dan guud iyo nabadgelyo gobolka oo dhan.