Lugatoor oo DFS ku dhaliilay inaysan qaadan doorkeedii taakulaynta ciidamada dagaalka kula jira kooxda Daacish.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe.
Madaxweyne Lugatoor oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa hambalyo u diray ciidamada difaaca Puntland ee dagaalka kula jira Daacish, wuxuuna tilmaamay in DFS aysan qaadan doorkii looga baahnaa ee taakulaynta ciidamada.
Madaxweyne Lugatoor ayaa yiri,”DFS waa ku dhaliilantahay dagaalka, Itoobiya oo aan deris nahay haddii ay dhaawacyadii daweynayso dowlad Soomaaliyeed maxaa laga filan karaa? arrintaasi waa xujjo, ciidan ugama baahnin laakiin wixii Soomaali ka dhexeeyey ayey hayaan”.
Dhanka kalena, madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa xusay in safarkiisii qaaradda Yurub uu salka ku hayey horumarka Puntland iyo sida dalalka uu booqday ay Puntland gacan uga siin lahaayeen mashaariicda horumarinta.