Madaxweyne Deni oo la kulmay dhalinyarada Boosaaso.

13 March, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenimadii xalat kulan la qaatay dhallinyarada Gobolka Bari, Dhallinyarada…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenimadii xalat kulan la qaatay dhallinyarada Gobolka Bari, Dhallinyarada ayaa Madaxweynaha iyo Dowladdaba u muujiyey siday u garab taaganyihiin Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland (Hillaac).

Madaxweynaha ayaa caawa kulanka Dhallinyarada uga dhawaaqay in Garoonka Kubadda Cagta Boosaaso oo dhismihiisu dhammaadyahay, caawa laga billaabo magaciisu noqonayo Garoonka Shuhaadada, iyadoo lagu maamusayo Ciidankii ku shahiiday hawlgalka ciribtirka Argagixisada ee (Hillaac).

Kulanka waxa Madaxweynaha Kala qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo Dhallinyarada Gobolka Bari.