Diblomaasiyiinta dalalka Iran, Shiinaha iyo Ruushka oo ku shiray magaalada Beijing ayaa garab istaagay barnaamijkeeda Nukliyeerka Iran.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa garab istaagay Iran, ka dib markii Mareykanka uu dalbaday wadahadalka Nukliyeerka ee Tehraan, iyadoo diblomaasiyiin sare oo Shiinaha iyo Ruushka ah ay sheegeen in haddii wadahadalka dib loo bilaabayo loo baahan yahay in la qaado dhammaan cunaqabateynta.
War-murtiyeed wadajir ah oo laga soo saaray wadahadallada ay yeesheen wadamada Iran, Shiinaha iyo Ruushka ayaa lagu sheegay inay soo dhawaynayaan doodda Iran ee ah in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu yahay mid nabadeed, isla markaana ay tahay in si buuxda loo ixtiraamo xaqa ay Tehran u leedahay inay si nabad ah u isticmaasho tamarta Nukliyeerka.
Sannadkii 2015-kii, Iran waxay ogolaatay inay xakamayso barnaamijkeeda Nukliyeerka si ay ugu beddelato qaadista cunaqabataynta caalamiga ah ee Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka. Laakiin 2018-kii, Donald Trump, ayaa ka baxay heshiiska.
“(Shiinaha, Ruushka iyo Iran) waxay ku nuuxnuuxsadeen in dhinacyada ay khusayso ay ka go’an tahay in ay wax ka qabtaan sababaha asaasiga ah ee xaaladda hadda jirta ayna ka tanaasulaan cunaqabataynta, cadaadiska ama khatarta xoogga,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Shiinaha Ma Zhaoxu oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib.

Horseed Media