Amiirka Qatar oo booqasho ku tagay magaalada Moscow

17 April, 2025

Amiirka dalka Qatar Shiikh Tamim bin Hamad Al-Tani ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Moscow ee dalka Ruushka, isagoo kala hadlay Madaxweyne Vladimir Putin oo ay ka wadahadleen arrimaha Ukraine iyo Bariga Dhexe, safarka uu Kremlin-ka ku tilmaamay mid muhiim ah.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay yeelan doonaan “wadahadal dhab ah” oo ku saabsan arrimo badan, ayna saxiixi doonaan heshiisyo kala duwan.

“Qatar waa saaxiibkayaga wanaagsan, xiriirka Ruushka iyo Qatar aad ayuu u kobcayaa, xiriirka u dhexeeya madaxda dalalka waa mid soo noqnoqday,” Peskov ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Qatar ayaa marar badan isku dayday inay dhex dhexaadiso Ruushka iyo Ukraine, waxayna gacan ka geysatay soo celinta carruurta labada dal ee ay waalidkood ku kala tageen dagaalladii.

Ruushka iyo Qatar ayaa toddobaadkan sheegay in hoggaamiyeyaasha ay ka wadahadli doonaan dadaallada lagu raadinayo heshiis nabadeed oo lagu soo afjaro dagaalka Ukraine.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Qatar Mohammed Al-Khulaifi ayaa u sheegay wakaalada wararka ee TASS in wadahadalka uu Amiirka la yeelan doono Putin ay qayb ka yihiin arrimaha dalalka Ukraine, Syria, Marinka Qasa iyo tamarta sida gaaska dareeraha ah (LNG).

Horseed Media