Puntland oo qabatay xuska Maalinta Duumada Adduunka

25 April, 2025

Xuska maalinta Duumadda ayaa bulshada looga wacyigeliya halista cudurka malaariyada iyo siddii loo xakamayn lahaa.

Munaasabadda xuska maalinta Duumada adduunka oo maanta ku beegan 25 Abriil 2025 ayaa lagu qabtay caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaana soo qabanqaabisay wasaaradda caafimaadka Puntland.

Kulanka waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland Siciid Jamac Qorsheel, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Maxamed Cabdiwahaab Axmed, Gudoomiyaha Gudiga dhaqqalaha barlamaanka Puntland Xasan Majabe iyo Madaxa Caafimaadka Hay’adda UNICEF Millhia kader iyo xubno kale.

Xuska maalinta Duumadda ayaa bulshada looga wacyigeliya halista cudurka malaariyada iyo siddii loo xakamayn lahaa.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa dhowaan qabatay shirka maalgashiga caafimaadka Puntland, kaasi oo looga gol lahaa dhisidda nidaam caafimaad oo waara, loo dhan yahay, isla markaana adkaysi leh.

Horseed Media