Muqdisho: Rag katirsanaa Alshabaab oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

7 August, 2025

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa shaacisay in…

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa shaacisay in dil toogasho ah lagu fuliyey saddex rag ah oo lagu helay dilal ay geysteen iyo kamid ahaanshaha Alshabaab.

Saddexda nin ee saaka la shaaciyey toogashadooda ayaa kala ahaa Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka) oo ay horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ugu xukuntay dil toogasho ah.

Sedexdooda oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa dilal horay uga gaystay deegaamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolka Shabeellaha hoose, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida.