Madaxweyne hore Farmaajo oo soo dhaweyn la’aan ka degey Magaalada Muqdisho.

13 November, 2025

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo dheer ku maqnaa dalka dibaddiisa ayaa saaka…

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo dheer ku maqnaa dalka dibaddiisa ayaa saaka ka soo degey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Amar ka soo baxay dowladda Somalia ayaa guud ahaanba hoos loogu dhigay soodhaweyn Magaalada Muqdisho loogu samayn lahaa Farmaajo, iyadoo loo sababeeyey bedqabka muwaadiniinta iyo ammaanka caasimadda.

Farmaajo oo aan horay uga soo muuqan jirin madalaha mucaaradka iyo shirarka looga arrinsanayo siyaasadda dalka ayaa lafilayaa inuu Muqdisho ku qabto kulamo aayakatashi ah, isagoo ku casuman shir dhawaan ka dhici doona Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Safarka Farmaajo ayaa ku soo beegmaya xilli muddo dhawr bilood ah ay ka dhiman tahay muddo xileedka xafiisyada ugu sarreeya dalka iyo xildhibaanada labada aqal uusanna jirin dhabbe heshiis lagu yahay oo doorashada lagu geli doono.