Shabakad lagu eedeeyay ka ganacsiga Xashiishka iyo hub sharci-darro ah oo Bosaso lagu qabtay.

Laamah ammaanka Dowladda Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka fuliyey hawlgallo qorshaysan oo…

1 September, 2026

Laamah ammaanka Dowladda Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka fuliyey hawlgallo qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayey shabakad lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha nooca xashiishka ah iyo hub sharci-darro ah.

Hawlgalladaan oo ciidanka ammaanku ka sameeyeen xaafaddaha Laanta-Hawada iyo Xaafatu-Carab, ayaa lagu soo qabtay xubno muhiim ah oo ka tirsan shabakadda, shixnado xashiish ah, qori AK-47 ah iyo bambooyin gacanta laga tuuro oo ay guryaha ku haysteen.

Xubnaha la qabtay oo isugu jira rag iyo dumar ayaa lagu eedeeyey inay doorar kala duwan ku lahaayeen kaydinta, qaybinta iyo iibinta maandooriyaha, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo kiiska.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska qaybta booliska gobolka Bari ayaa lagu sheegay inay sii socon doonaan hawlgallada la-dagaallanka maandooriyaha iyo hubka sharci-darrada ah, iyadoo eedaysanayaasha loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda.