58 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay weerar ay ciidamada Israel ku qaadeen magaalada Ramallah

26 August, 2025

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeymo wakhti dheer qaatay ku qaaday Ramallah iyo El-Bireh oo ka tirsan Daanta Galbeed ee Falastiin, iyadoo ay weli si aan kala joogsi lahayn u duqeenaya Gaza, Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 58 Falastiiniyiin ah ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay Talaadadii waxaa kamid ahaa ilmo yar, wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in 13-jirkan lagu sameeyay qaliin ka dib markii uu ka dhaawacmay caloosha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay xoog ku galeen dukaan lagu sarifto lacagaha qalaad oo ku yaalla Ramallah nawaaxiga xarunta madaxtooyada maamulka Falastiin, iyagoo xiray ugu yaraan saddex falastiiniyiin ah, askartuna waxay xoog ku galeen suuqa dhexe ee suuqa qudaarta.

Hay’ada Bisha Cas ee Falastiin waxay sheegtay in sideed qof ay ku dhacday rasaas nool.

31 kale oo Falastiini ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo sunta dadka ka ilmeysiisa, oo ay ku jiraan labo haween oo uur leh.

Koox gurmad ah ayaa laga horjoogsaday inay gaaraan dadka ku dhaawacmay deegaanada go’doonsan.

Madaxtooyada maamulka Falastiin ayaa cambaareysay weerarka ciidamada Israel. Iyagoo ku baaqay in Mareykanka soo farageliyo oo ay joojiyaan “dambiyada” ka socda Daanta Galbeed ee dhulka la haysto.