61 qof ayaa ku dhintay dab weyn oo ka kacay suuq-weyn oo ku yaalla dalka Ciraaq

17 July, 2025

Ugu yaraan 61 qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa lagu la’yahay dab xooggan oo ka kacay suuq weyn oo ku yaalla magaalada Kut ee bariga dalka Ciraaq, sida ay saraakiishu sheegeen.

Wasaaradda arrimaha gudaha Ciraaq ayaa Khamiistii sheegtay in 14 mayd oo gubtay laga helay dabkii ka kacay suuqa weyn ee degmada Wasit, waxaana kooxaha difaaca madaniga ah ay soo badbaadiyeen 45 qof oo ku jiray dhismaha.

Suuqan oo la furay todobaad ka hor ayaa sidoo kale ka koobnaa maqaayad iyo dukaamo. Wakaalladda Wararka Ciraaq ee INA ayaa sheegtay in la la’yahay dad badan.

Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Mohammad Shia al-Sudani, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu faray wasiirka arrimaha gudaha inuu tago goobta uu dabku ka kacay, si uu u soo baaro, isla markaana uu qaado tallaabooyin looga hortagayo inuu soo laabto.

Badhasaabka gobolka Wasit, Mohammed al-Mayahi, ayaa sheegay in dabku uu ka kacay suuqa weyn iyo maqaayadda. Halkaasi oo ay Qoysasku ka cashaynayeen oo wax iibsanayeen, ayuu yidhi. Gawaarida dab damiska ayaa soo badbaadiyay tiro dad ah, waxayna damiyeen dabka, ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha.

Saddex maalmood oo baroor diiq ah ayaa lagu dhawaaqay, waxaana la bilaabay baaritaan. Natiijooyinka baaritaanka waxaa la soo saari doonaa 48 saacadood gudahood.