76 qof oo ku shahiiday Qaza maalinta koowaad ee Ciida

31 March, 2025

76 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku shahiiday tan iyo waaberigii shalay oo Axad ahayd maalintii koowaad ee Ciidul Fidriga, taas oo ka dhalatay duqeymo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay goobo dhowr ah oo ka tirsan Marinka Gaza.

Shuhadadaas waxaa ka mid ahaa qoys dhan, ka dib markii la beegsaday xero ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla galbeedka Khan Yuunis.

Sidoo kale laba qof oo falastiiniyiin ah ayaa ku shahiidey weerar ay Israa’iil ku qaaday guri ku yaala magaalada Abasan al-Kabira oo dhanka bari kaga beegan Khan Yuunis. Labo caruur ah ayaa sidoo kale lagu dilay duqeynta ka dhacday guri ay daganaayeen oo ku yaala magaalada Hamad ee waqooyiga Khan Yuunis.

Xaafadda Shujaiya ee bariga magaalada Gaza, ayaa soo sheegay in tiro shahiid ah oo ay ku jiraan carruur ay ku dhaceen weerar ay Israa’iil ku qaadday guri.

Horseed Media