Boqor Burhaan oo si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Qardho+Sawiro.

Published: March 19, 2020
Boqor Burhaa iyo masuuliyiin ka tirsan Dawlada Puntland.

Waxaa Maanta Magaalada Qardho si wayn loogu soo dhaweeyay Wafti uu hogaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse kaas oo kasoo kicitimay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, Boqorka iyo waftigiisa ayaa looga hortagay Banaanka Magaalada Qardho waxaa soo dhawayntiisa ka qayb-galay Isimada dhaqanka, aqoon-yahanka, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo ururada haweenka.

Boqor Burhaan Boqor Muuse

Boqor Burhaan ayaa markii uu soo gaaray madasha ay ku sugnaayeen dadku wuxuu mid mid u gacan-qaaday kasoo dadkii u taagnaa soo dhawayntiisa, ugu danbayna waxa uu kala hadlay fagaare isagoo uga mahad-celiyay sida usoo dhaweeyeen.

” Isu-soo baxaan aan u niyaysano mid roob-doon ah, ilaahay raxmad khayr qabta hayna siiyo, ilaahaw midaad nasiisay waanu kaaga mahad-naqaynaa, ilaahaw mid caamiya ah nasii, ilaahaw cudurada iyo waxyaabaha la sheegayo oo cudurada carona-viruska ka mid yihiin ilaahaw ummada soomaaliyeed oo aad tabbartooda ogtahay ka badbaadi” ayuu yiri Boqorku.

Boqor Burhaan oo ay galbinayaan Fardo.

Boqorka iyo waftigiisa ayaa intaas ka dib loosoo galbiyay gudaha Magaalada Qardho, waxa uuna bulshada qaybaheeda kala duwan kula kulmay Hotel Xaashi, shacabka iyo masuuliyiinta Dawlada oo kelmad kasoo jeediyay ayaa soo dhaweeyay Boqorka iyo Waftigiisa.

Boqor Burhaan oo gabaga-gabadii shirka soo xiray ayaa ummada soomaaliyeed u duceeyay waxa uu sidoo kale DFS iyo Dawlada Puntland ka codsaday in la joojiyo diyaaradaha wadamada shisheeye ka keenaya qaadka, sidoo kale waxa uu ka sheekeeyay safardii uu ka tagay Dalalka Germany, Sweden, UAE, Oman iyo Yaman kuwaas oo la xiriiray kuwa shaqo iyo kuwa caafimaad.

Sawiro dheeraad ah: Mohamed Alpha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *