Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Soo Jeedisay In Xayiraad La Galiyo Dalka

1 March, 2021

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa soo jeedisay in xayiraad lagu…

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa soo jeedisay in xayiraad lagu soo rogo dalka si loo xakameeyo cudurka Coronavirus oo dib ugu soo labakacleeyey Soomaaliya.

Wasiir Fowiya oo qoraal ku daabacday barta Internetka waxay ku sheegtay sanadkii hore xayiraadii la saaray wadanka inay hoos u dhigtay faafitaanka cudur COVID19, xiliganna loo baahan yahay in talaabadaas la qaado.

” Xakamaynta faafidda cudurka COVID19 ee sanadki tagay waxa qayb wayn ka qaatay xayiraado laguso rogay guud ahaan wadanka. Markale waxa aan so jeedinay in xayiraadihi lasoo rogo si looga hortago faafidda heerkeedu si kordhayo ee hadda aan arkayno “

Wasiir Fowsiya

Asbuucan iyo kii ka horeeyey ayaa waxaa kordhay tirada dadka laga helay cudurka Coronavirus, halka ay siyaaday geeridu, waxaana illaa iyo hadda cudur u geeriyooday in ka badan labo boqol oo ruux.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *