Xamaas waxay aqbashay qaraarka Qaramada Midoobay ee lagu taageerayo qorshaha lagu soo afjarayo duulaanka Israa’iil ee…
Xamaas waxay aqbashay qaraarka Qaramada Midoobay ee lagu taageerayo qorshaha lagu soo afjarayo duulaanka Israa’iil ee Gaza.
Sami Abu Zuhri oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in ay aqbaleen qaraarka xabad joojinta ayna diyaar u yihiin in laga wada xaajoodo tafaasiisha. Waxay ahayd in Washington ay hubiso in Israa’iil ay u hoggaansanto, ayuu raaciyay.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa ku tilmaamay warka kasoo baxay Xamas “calaamad rajo leh.”
Wadahadallada ku saabsan qorshaha xabad joojinta Gaza ayaa sii socon doona maalmaha soo socda, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken oo booqday Tel Aviv, ayaa sheegay in wadahadal uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha Israel.
Blinken ayaa salaasadii la kulmay mas’uuliyiinta Israa’iil si ay u soo afjaraan dagaalka cirka iyo dhulka ah ee Israa’iil oo siddeed bilood jirsaday, maalin kaddib markii uu soo jeedintii madaxweyne Joe Biden ee xabbad joojinta uu ansixiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.