Midowga Yurub oo ka digay in Dagaalka Bariga Dhexe uu qarka u saaran yahay inuu fido

24 June, 2024

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Yurub Josep Borrell ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in dagaalka…

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Yurub Josep Borrell ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in dagaalka Barigga Dhexe inay ku dhowdahay inuu kusii fido goobo kale sida dalka Lubnaan maalmo uun kadib markii kooxda Xisbullah ee Lubnaan u hanjabtay xubinta Jasiirada Qubrus oo xubin ka ah Midowga Yurub.

Borrel oo saxaafadda la hadlayey kahor kulanka maanta ee Wasiirada Arrimaha dibada ee Midowga Yurub ayaa sheegay in cabsi weyn ka qabaan dagaalka kusii fidaya koonfurta dalka Lubnaan iyo waqooyiga dhulka Israel heysto.

Dagaalka oo ku fida dalka Lubnaan ayaa laga cabsi qabaa inuu usii gudbo jasiirada Qubrus oo dalkaasi ku dhaw oo xubin ka ah Midowga Yurub.

Ururka Xisbullah ayaa todobaadkii tagay digniin adag u diray maamulka jasiirada Qubrus oo ay ku eedeeyeen inuu madaarada iyo saldhigyadooda militariga u fasaxeen inay adeegsadaan diyaaradaha Israel, hogaamiyaha Xisbullah Nasrullah ayaa sheegay inay tilaabo ka qaadi doonaan Qubrus hadii ay sii wado gacan siinta Israel.

Horseed Media