Masoud Pezeshkian oo hogaaminayey Isbedal-doonka reer Iran ayaa ku guuleystay Wareega 2aad ee doorashada Madaxweynaha ee…
Masoud Pezeshkian oo hogaaminayey Isbedal-doonka reer Iran ayaa ku guuleystay Wareega 2aad ee doorashada Madaxweynaha ee loo dareeray Jimcihii shalay sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dalkaasi.
Pezeshkian ayaa helay 53.7 boqolkiiba codadka oo u dhigma 16.3m, halka Saciid Jalili oo hogaaminayey muxaafidka la tartamaayey uu helay 44.3 boqolkiiba oo u dhigma 13.5m.
Madaxweynaha cusub oo doorashadiisa kadib ka hadlay taleefishinka dowladda ayaa yiri “Waxaan u fidin doonnaa gacan saaxiibtinimo qof walba, waxaan nahay dhammaan dadka dalkaan, waa inaan qof walba u adeegsanaa horumarka dalka”.
Tartanka doorashada ayaa ahaa mid aad u adag oo u dhexeeyay Pezeshkian oo aaminsanaa in Iran uu u furfuro caalamka, halka ninkii laga adkaaday ee Jaliil uu qabay in la xoojiyo xidhiidhka Iran ee Ruushka iyo Shiinaha.
Taageerayaasha Pezeshkian ayaa isugu soo baxay waddooyinka Tehraan iyo magaalooyinka kale ka hor waaberigii saaka si ay u dabaaldegaan.
Horseed Media