Mareykanka oo u hambalyeeyey Doorashadii ka dhacday Puntland

28 July, 2024

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa u hambalyeysay doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday degmooyinka Puntland.…

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa u hambalyeysay doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday degmooyinka Puntland.

Mareykanka oo Shacabka Puntland iyo maamulkooda ugu hambalyeeyey dhaqan gelinta doorashooyinka qof iyo cod, ayaa sheegay in doorashada ka dhacday Puntland ay tahay tilaabo muhiim ah, isla markaana wadada u xaareysa horumarinta dimuquraadiyaa ka jirta dalka Soomaaliya.

Dalalka Soomaaliya ka caawiya arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta dimuquraadiyada ayaa si weyn usoo dhaweeyey doorashooyinkii ka dhacay dhamaan degmooyinka Puntland oo ay shacabka kusoo doorteen Golayaashooda deegaanka.

Hase yeeshee xukuumada Federaalka Soomaaliya oo iyadu sheegta inay ka shaqeenayso doorasho qof iyo cod ah ayaan weli si rasmi ah uga hadlin guusha Puntland ka gaartay doorashooyinka qof iyo cod.

Horseed Media