Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal ayaa xalay kulan la qaatay maamulka degmada, odayaasha iyo waxgaradka guud ahaan deegaanada hoosyimaadda degmada.
Kulanka oo salka ku hayey is-xog waraysi guud oo la xiriira fursadaha, caqabadaha, Amniga iyo horumarka magaalada ayaa waxaa qaybgalay Islaan Ciise Islaan Maxamed, Xubnaha Goleyaasha Dowladda ee qaybta ka ah wefdiga Madaxweynaha ee ku sugan Godobjiiraan, Maamulka Gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Puntland ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay kormeer ku marayey deegaanada hoos yimaada degmada Godob-jiiraan oo kamid ah sadexdii degmo ee gobalka Nugaal oo todobaadkii hore laga qabtay doorashooyinka qof iyo cod ee lagu soo doortay golayaasha deegaanka.
Horseed Media