Mareykanka oo diidmada qayaxan ku diiday qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xabad joojinta Gaza

20 November, 2024

Mareykanka ayaa Arbacadii diiday qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xabbad-joojinta dagaalka Israel ee Gaza.

15-ka xubnood ee golaha ayaa u codeeyay qaraar ay soo bandhigeen 10-ka xubnood ee aan joogtada ahayn kulan ay isugu yimaadeen oo ku baaqayay “xabad joojin degdeg ah, si shuruud la’aan ah oo joogto ah”.

Kaliya Maraykanka ayaa u codeeyay diidmo, isagoo adeegsanaya diidmada qayaxan ee xubinta golaha joogtada ah si uu u hor istaago qaraarkan.

Duulaanka socda 13-ka bilood ee Israa’iil ka waday Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan ​​44,000 qof waxaana lagu barakiciyay ​​dhammaan dadka deegaankaas.

Horseed Media