Jubalan ayaa sheegtey in Raysalwasaare Xamse si khaldan u isticmaalayo duulimaadyada UN-ka
Dowladda Jubaland ayaa digniin u dirtay hay’addaha ka shaqeeya gudaha maamulkaasi gaar ahaan hay’addaha Qaramada Midoobay iyo hawgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland ayaa looga digay hay’addaha UN-ka iyo ATMIS, inay ku lug yeeshaan arrimo siyaasadeed kuwaas oo lagu carqaladeynayo doorashada maamulkaasi.
“….. Dowladda Jubaland waxay ogeysiinaysaa hay’adahaasi in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu qaadayo tallaabooyin sharci-darro ah, isagoo doonaya inuu qorshe siyaasadeed oo guracan ku fuliyo adeegsiga diyaaradaha UN iyo ATMIS…..”
Jubaland ayaa sidoo kale cambaaraysay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna ku eedaysay inay gudaha deegaanada maamulkaasi ka abuurayso qalqal amni oo ay wadaan madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.
Horseed Media