UN: Israel oo weli hortaagan in gargaar la geeyo Gaza

29 November, 2024

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kumannaan qoys ay hadda ku hoydaan qabow aysana heysan agab iyo hoy ay ka galaan roobka.

Israa’iil ayaa hor istaagtay dhammaan isku dayadii lagu doonayay in gargaar bini’aadannimo lagu gaarsiiyo waqooyiga Marinka Gaza, sida ay Khamiistii sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA.

Bayaan ay soo saartay, UNRWA waxay ku sheegtay inay isku dayday 91 jeer inay gargaar bini’aadantinimo oo nafo lagu badbaadiyo ah gaarsiiso Jabalia, Beit Lahia, iyo Beit Sahour ee waqooyiga Gaza laga bilaabo Oct. 6 ilaa Nov. 25.

“82 ka mid ah isku daygan ayaa si toos ah loo diiday, halka 9 ka mid ah la horjoogsaday,” ayay raacisay.

“Dad gaaraya 65,000 illaa 75,000 qof oo degaankaasi ku sugan ayaa xaaladoodo si weyn looga dayrinayaalagu,” ayay tiri hay’adda Qaramada Midoobay.

“In ka badan 50 maalmood, waxay wajahayeen xaalado adag.”

UNRWA waxay ka digtay in kumannaan qoys oo ka qaxay aagagga la go’doomiyey ee waqooyiga Qaza “ay hadda gabaad ku yihiin qabowga iyo roobka oo aan haysan bustayaal, furaashyo iyo hoy ay biyaha ka galaan.”

Toddobaadkii hore, maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisii ​​hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay Gaza.

Israa’iil ayaa sidoo kale wajahaysa dacwad xasuuq ah oo ka socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda oo ku saabsan duqeynta naxariis darada ah ee ay ku hayso Gaza.

Horseed Media