Booliiska Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta oo ah khamiis ah furay baadhitaanka “khiyaano qaran” oo ka dhan ah madaxweynaha dalkaas Yoon Suk Yeol, kaas oo wajahaya codeyn xil ka xayuubin ah oo ku saabsan isku daygiisii fashilmay ee uu ku doonayay in uu ku soo rogo sharciga dagaalka ama xaalada deg degta ah.
Koox booliis ah oo gaar ah ayaa baaraya laba dacwooyin, oo ay ku jiraan mid ka yimid mucaaradka, halka kuwa kalena ay xareeyeen koox ka kooban 59 urur, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Yonhap.
Cabashooyinka ayaa sidoo kale ku eedeeyay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Kim Yong-hyun, taliyaha ciidamada Gen. Park An-su iyo wasiirka arrimaha gudaha Lee Sang-min khiyaano qaran iyo eedeymo kale oo la xiriira.
Tani waxay ka dambeysay ka dib markii Madaxweyne Yoon uu soo rogay sharciga dagaalka habeenimadii Talaadada laakiin sharcigaasi ayaa la laaley saacado gudahood kadib markii inta badan xildhibaanada ay diideen go’aankiisa.
Sidoo kale dacwad ka dhan ah Yoon ayaa loo gudbiyay xeer ilaalinta iyo sidoo kale xafiiska dambi baarista.
Mooshin xil ka qaadis
Ka dib tallaabadii uu ku guul daraystay Madaxweynaha, lix xisbi oo mucaarad ah oo uu hoggaamiyo xisbiga Dimuqraadiga ayaa gudbiyay mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Yoon iyo wasiirkiisii hore ee gaashaandhigga Kim.
Wasiirka Gaashaandhiga Kim ayaa isaga laga xayuubiyay xilkiisa kadib markii uu isla shalay is-casilay, lagana mamnuucay inuu dalka ka baxo.
Mooshinka codka xil ka qaadista Madaxweyne Yoon ayaa la qorsheeyay in la qabto maalinta Sabtida. Waxaana dalkaasi ka socda banaanbaxyo ay shacabka ku codsanayaan inuu madaxweynaha xilka ka dego.
Horseed Media