Madaxweyne Xasan Shiikh oo si adag u dhaliilay Axmed Madoobe

6 December, 2024

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dowlad goboleedka Jubaland.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa si dhaliilay madaxweynaha Jubaland, Axmed Islaam oo uu ku eedeeyey in xukunka uu haysto muddo 13 sanno ah oo uu caqabad ku noqday bulshada deegaanadaasi.

Dhanka Kale, Xasan Shiikh ayaa sheegay Axmed Madoobe inuu xiriir la leeyahay Kooxda Alshabaab oo uusan doonayn in deegaanada Jubaland laga xoreeyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ku dooday in muddo-xileedkiisii uu dhammaaday, loona baahan yahay in mandate cusub uu helo, balse Madaxweynaha ayaa sheegay in sannadka dheeriga ah ee uu xafiiska kusii joogay uu ku yimid heshiis siyaasadeed oo Madashu gaartay. Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey Axmed Madoobe in shirkii ugu dambeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaran uu keenay soo jeedin ah in la dhiso guddiyada FIAT iyo SEAT.

Horseed Media