Xoogaga mucaaradka ayaa la wareegay gacan ku haynta caasimadda ka dib weerar adduunku la yaaban yahay.
Subaxnimadii hore ee Axadda, xoogagga mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in Suuriya ay ka xorowday xukunka Bashaar Al-Asad, kadib markii xoogagga mucaaradka ay gudaha u galeen caasimadda Suuriya ee Dimishiq.
Madaxweynihii hore ee Suuriya ayaa la sheegay inuu ka baxsaday Dimishiq, iyadoo aan ilaa hadda la ogeyn dalka uu qaabili doono waxaana jira warar shaki gelinaaya in uu nool yahay.
Burburkii yaabka lahaa ee in ka badan 53 sano ee xukunka qoyska Al-Asad ayaa lagu tilmaamay wakhti taariikhi ah – ku dhawaad 14 sano markii ay Suuriyaanku u kaceen mudaaharaadyo nabadeed oo ay kaga soo horjeedaan dowladda Bashar ayaa si degdeg ah u galay dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daatay.
Todobaad ka hor, talisku waxa uu weli gacanta ku hayaa inta badan dalka Suuriya. Haddaba sidee bay dhammaan u kala furfurmeen si degdeg ah?
Goorma ayaa dagaalka Biriqdu bilowday?
27-kii Noofambar, isbahaysiga dagaalyahannada mucaaradka ayaa qaaday weerar ballaaran oo ka dhan ah xoogagga dowladda taageersan.
Weerarka koowaad ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa jiidda hore Idlib oo ay mucaaradku haystaan iyo gobolka ay deriska yihiin ee Xalab.
Saddex maalmood ka dib 30 Nofembar, dagaalyahannada mucaaradka ayaa qabsaday magaalada labaad ee ugu weyn Suuriya ee Xalab.
Yaa dagaalka iska kaashadey?
Weerarkan oo loogu magacdaray “Hawlgalka joojinta gardarada”, ayaa waxaa iska kaashadey dhowr urur oo hubeysan oo ka tirsan mucaaradka Suuriya oo ay hogaamineyso Hayat Tahrir al-Sham (HTS) oo Turkiga taageero.
HTS – oo uu hogaamiyo Abu Mohammed al-Julani – ayaa ah kan ugu weyn uguna abaabulan marka loo barbardhigo ururada kale, HTS ayaa sanado badan xukumayay gobolka Idlib ka hor weerarkan.
Ururada kale ee ka qeyb qaatay howlgalka ayaa kala ah Jabhadda Qaranka ee Xoreynta, Ahrar al-Sham, Jaish al-Izza iyo Dhaqdhaqaaqa Nour al-Din al-Zenki, iyo sidoo kale kooxo uu Turkigu taageero oo hoos taga dalladda Suuriya Ciidanka Qaranka.
Suuriya oo dhan miyaa gashey gacanta Mucaaradka?
In kasta oo dagaalyahannada mucaaradka aysan gelin magaalooyinka Lattaqia iyo Tartous, gobollada xeebta – oo loo arko meelaha ay ku xooggan yihiin al-Assad iyo Calawiyiintu. Xoogaga mucaaradku waxay si degdeg ah horumar u sameeyeen maalmo gudahood, waxay qabsadeen Xama iyo Xums, oo ah magaalo mar lagu magacaabi jiray “Caasimadda Kacaanka” sannadihii hore ee dagaalka.
Sabtidii, waxaa gacanta Mucaaradka ku dhacdey Deraa oo ah meeshii uu ka dhashay kacdoonkii 2011.
Ciidanka Suuriya ayaa ku dhawaaqay in ay “dib u habeynayaan” gobolka iyo Sweida u dhow, laakiin taasi waxay u muuqatay mid aan waxba ka jirin.
Kormeerayaasha dagaalka Suuriya ee fadhigoodu yahay Boqortooyada Ingiriiska (SOHR), ayaa sheegay in ciidammada Suuriya ay ka baxayaan fariisimaha ku yaalla Quneitra, oo u dhow buuraha Golan ee ay Israa’iil la wareegto.
Muxuu Al-Asad si degdeg ah u dhacay?
Suuriya waxa ay la daalaa dhacaysay hoos u dhac ku yimid dhaqaalaheeda, waxaana la sheegay in Bashar Al-Assad uu si weyn u taageeray ka ganacsiga sharci darrada ah ee daroogada Captagon.
Al-Asad waxa uu noqday mid aan si weyn loo jeclayn markii dadku ay ku adkaatay in ay nloshooda maareeyaan, dhibaatada ugu daran ayaa gaartey askartiisa, kuwaas oo intooda badan aan doonayn in ay u dagaalamaan.
Askar iyo saraakiil boolis ah ayaa la sheegay in ay shaqada ka tagayaan, hubkoodana wareejiyeen, kana carareen mucaaradka.
Milatari ahaan sidoo kale, taliska al-Asad waa uu tabar darnaa muddo sanado ah, isagoo ku tiirsan taageerada militari ee Ruushka, Iran iyo Xisbullaah.
Laakiin, falanqeeyayaasha ayaa sheegaya, in Ruushka oo la daalaa-dhacaya dagaalka uu ku qaaday Ukraine isaga oo hadda taageero ka dalbadey Kuuriyada Waqooyi, Iran iyo xulafadooda Lubnaan ee Xisbullah oo ay waxyeelo ka soo gaartay weerarrada Israel – way awoodi waayeen inay u gurmadaan ciidammada Suuriya ee sii dhacaya.
Xagee ku sugan yahay Bashar al-Assad?
Qofna ma garanayo halka al-Asad uu weli ku sugan yahay nolol iyo geeri.
Isaga iyo wasiirkiisa gaashaandhigga Cali Cabbaas ayaa labaduba ku sugan meelo aan la garanayn, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Suuriya, Mohammad Ghazi al-Jalali, oo u waramay shabakadda wararka ee Alcarabiya, waxaana uu sheegay in warkooda ay ugu danbeysey maalintii Sabtida.
Sida uu sheegay madaxa kooxda la socodka dagaalaka Suuriya Rami Abdel Rahman, al-Asad ayaa ka baxay Suuriya isagoo sii maray madaarka caalamiga ah ee Dimishiq xilli ay ciidamadu ilaalinayeen. Ciidamada ayaa ka tagay wax yar ka dib waxaana la wareegay madaarka dagaalyahanada mucaaradka.
Ra’iisul Wasaare al-Jalali ayaan meelna uga bixin Dimishiq, isagoo saxaafadda la hadlay goor hore oo Axad ah isagoo sheegay inuu u haray si uu u hubiyo in arrimuhu sii socdaan.
Maxaa ka dhacay xabsiga Sednaya?
Dagaalyahannada mucaaradka ayaa furay xabsiyada taliska, iyagoo sii daayay maxaabiistii lagu hayay gudaha xabsiga.
HTS ayaa ku dhawaaqday in dagaalyahanadeeda ay xoog ku galeen xabsiga ku yaal duleedka caasimadda, iyagoo ku dhawaaqay “Dhammaadka waagii dulmiga ee xabsiga Sednaya”, oo ah xarunta xadgudubyada ugu caansan ee nidaamka al-Asad.
SOHR waxay xaqiijisay in “albaabada xabsiga caanka ah ee Sednaya… loo furay kumannaan maxaabiis ah oo ay xabsiga u taxaabeen laamaha ammaanku intii uu talisku xukumayey”.
Maxaa ka dhici doona Suuriya?
Taasi waa la arki doonaa.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in ay jiraan wax badan oo suurtagal ah oo Suuriya ka dhici kara, si la mid ah waxaa jira khatar badan oo suurtagal ah haddii dhinacyada kala duwan aysan wada shaqeyn.
Al-Jalali ayaa bayaan muuqaal ah ku sheegay in golihiisa wasiirada ay diyaar u yihiin in ay “gacanta u fidiyaan” mucaaradka oo ay shaqadooda ku wareejiyaan dowlad ku meel gaar ah.
“Dalkani wuxuu noqon karaa waddan caadi ah oo dhisa xiriir wanaagsan oo uu la yeesho deriskiisa iyo adduunka … laakiin arrintan waxay ku xiran tahay hoggaan kasta oo ay doortaan dadka Suuriya,” al-Jalali ayaa ku yiri hadal uu sii daayay bartiisa Facebook-ga.
Hogaamiyaha HTS al-Julani ayaa hadal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in “hay’adaha dawliga ah ay sii ahaan doonaan korjoogteynta ra’iisul wasaaraha ilaa inta si rasmi ah looga wareejinayo”.