War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa eedeyn loogu jeediyey Dowladda Itoobiya in ay hub iyo saanad ka dejisey Kismaayo
Gen Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal Wasiirka Amniga Jubaland ayaa sheegay in ay been abuur tahay sheegashada katimid Dowladda Federaalka ee ah in laba duulimaad ay Kismaayo maalintii Sabtida ka degeen kuwaas oo sidey hub iyo rasaas diyaaradaha ayaa dowladdu sheegtay in ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines.
Wasiir Dhuumaal ayaa wax laga naxo ku tilmaamay in Dowladda Federaalka iyadoo aan caddeeyn u heynin ay ku dhawaaqdo waxaan jirin “Dowladdu ma ahayn inay eed noocaani oo kale ah ay ka timaado oo ay soo qaadato waxyaabo ay ka aragtay baraha Bulshada”.
Wasiirka amniga Jubaland Gen. Dhuumaal ayaa wareysigaan uu ku beeninayo eeda Dowladda Federaalka waxa uu siiyay laanta Af Soomaaliga ah ee VOA, waxa uu shaaca ka qaaday in Itoobiya ay Soomaaliya meelo badan ay ka jogaan sida Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabele oo ay sameeyn karaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo uu ku tilmaamay mid ay shixnado hub iskugu gudbin karaan ama ciidamo isku badelid.
Horseed Media